Bosao: Ganacsatade lagu diley & bumbooyin lagu weeraray guriga Wasiirka Amniga

10 Feb  2024 (Puntlandes.com) Mid ka mid ah ganacsatada magaalada ayaa lagu diley goordhaweyd, iyada oo sidoo kalena bumbooyin lagu tuurey Hoyga Wasiirka Amniga ee isla Boosaaso.

Ka dib labada dhacdo rasaas magaalada laga wada maqlay waxa la soo werinayaa in ay ku dhaawacantay ruux dumar ah.

Ammaandarro xoogan ayaa ka jirta xarunta ganacsiga Puntland Bosaso iyadoo goobhii waawaynaa ee Ganacsiga Albaabada loo laabay kadib markii laga salbaday inay bixiyaan lacag aad u faro badan oo ay ku soo rigeen Alshabaab iyo Daacish.

Xukuumada Siciid Deni ayaa faraha ka laabatay wax ka qabashada amniga xarunta ganacsiga Puntland.

About The Author