Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyed oo caddeysay inay si buuxda gacanta ugu hayso badqabka duulimaadyada isticmaala hawada Soomaaliya

24 Feb  2024 (Puntlandes.com) Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa waxay sheegtay inay caddeynayso inay si buuxda gacanta ugu hayso badqabka duulimaadyada isticmaala hawada Soomaaliya

Maanta ayaa Diyaaradda Itoobiya ee ka duushay Hargeysa, kuna wajahnayd Addis Ababa, kuna duuleysay ET375-nooceedu ahaa B737-760, ayaa laga leexiyey dhabihii ay ku duuleysay ee geynayay Addis Ababa,waxayna ka dagtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti, sabab dheeraad ah ilaa hadda majirto.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed:

War-Saxaafadeed

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxay dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo shirkadaha duulimaadka ee isticmaala hawada Soomaaliya u caddeynaysaa inay si buuxda gacanta ugu hayso badqabka duulimaadyada isticmaala hawada Soomaaliya.

Ma jirto amni xumo iyo halis badqab oo ka jira hawada Soomaaliya.

About The Author