Sawirro: Wasaaradda DeegaankaPuntland oo ka xumaatay haramcad ka dhintay

25 Feb  2024 (Puntlandes.com) Wasaaradda deegaanka,Daaqa iyo isbedelka cimilada waxay 17.02.2024 Magaalada Galkacyo ka soo badbaadiyay Sadex xabo oo haramacad dhal ah(Cheetah Cubs),

Kadib Markii koox reer Miyi ah soo qabsadeen Haramacadkaas dhasha ah kana soo ka xaysteen hooyadood iyadoo u jeedkoodu ahaa inay gataan.

Haramcad kan dhasha ah waxay soo qaateen qiyaastii iyaga oo jira wax ka yar labol asbuuc, xiligan oo kale waa kuwo aad u nugul oo ay sahlan tahay in ay dhibaato soo gaadho, Maxaa yeelay wax caano ah kama aysan soo nuugin hooyadood.

Wasaaradda ayaa sheegtay inay aad uga xuntahay in sadexdii harmacad ee dhasha ahaa ee la soo badbaadiyay uu mid kamid ah dhintay xalay,Taas oo ay sababtay xaalada harmacadka dhintay oo aad u liidatay caafimaad ahaan iyo nafaqo ahaanba, layskuna dayay in la badbaadiyo.

laakin dadaal dheer kadib ugu danbayntii uu dhintay.

Waxaa xaalad wanaagsan ku jira labadii haray, iyaga oo Wasaaraddu dadaal ugu jirto sidii loo xanaanayn lahaa.

Ka ganacsiga sharci darada ah ee duurjoogta waa Danbi qaran(Illegal wildlife Trade) cid kasta oo ku howlan waxaan u sheegaynaa in ay howshaan faraha kala baxaan, Dhamaan xeerarka ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta waxay cadaynayaan in aan laga ganacsan Karin dhamaan khayraadka dibiiciga ah ee dalka sida dhirta, iyo dhamaan duurjoogta dalka.

Wasaaradda ayaa waxay ku war galinaysaa dhamaan laamaha amaanka dowlada Puntland in layska kaashado sidii wax looga qaban lahaa Danbiyada la xiriira Deegaanka iyo Duurjoogta.

About The Author