Soomaaliya oo si rasmi ah uga mid noqotay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika(EAC)

04 Mars  2024 (Puntlandes.com) Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga mid noqotay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika (EAC), iyadoo Soomaliya noqotay wadankii 8aad oo ka mid ah Ururkaas.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Cabdirishiid Xaaji ayaa xoghayaha guud ee Ururkaas u gudbiyey dukumentiyada ansixinta iyo habraacyada ee ka mid noqoshada ururkaas, iyada oo wasiirka halkaas lagu guddoonsiiyey calanka wadamada ku bahoobay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Munaasabadda oo ka dhacday magaalada Arusha ee waqooyiga Tanzania waxaa goob goob joog ka ahaa Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

About The Author