Akhriso Xildhibaano Labada Aqal ee BJF Soomaaliya oo qoraal ku qaadacay hannaanka dib u eegista iyo wax ka bedelka Dastuurka oo dooddiisa ka socoto Baarlamaanka

20 Mars  2024 (Puntlandes.com) Xildhibaano gaaraya 72 Xildhibaan oo ka tirsan Labada Aqal ee BJF Soomaaliya ayaa qoraal ay oo saareen ku qaadacay hannaanka dib u eegista iyo wax ka bedelka Dastuurka oo dooddiisa ka socoto Baarlamaanka.

Xubnahan oo ay ku jiraan Madaxweynayaal hore ayaa sheegay in aan la raacin xeerarkii iyo habraacii lagu ansixin lahaa dib u eegista dastuurka, sidoo kalana hoggaanka Baarlamaanka uu si bareer ah u jebiyay xeer hoosaadyada iyo habraacan loo marayay dib u eegista Dastuurka.

Qoraalkan ay wadajirka u soo saareen xubnahan ayaa ku soo aaday, iyadoo todobaadka soo socdo lagu wado in la ansixiyo Wax ka bedelka Dastuurka.

About The Author