Muuqaal: MD Xasan Sheekh “Dastuurka waa la ansixin”

22 Mars  2024 (Puntlandes.com)Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dastuurka la ansixin doono, oo aan cidna loo joojin doonin, dhinacyada kasoo horjeedana ay dano leeyihiin.

Madaxweynaha ayaa si adag u dhaliilay Madaxdii hore ee kasoo horjeeda qorshihiisa, wuxuuna sheegay in ay Shaatiyo aan sax aheyn, xiranayaan aragtidoodana ay baarlamaanka geeyaan, haddii ay dood iyo aragti hayaan, haddii kale ay yihiin kooxo leh dano aan u adeegeyn daruufaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa sheegay in doorashada 2026-ka hadda arrimaheeda la dhameynayo, oo aan hadhaw laga hadleynin, haddii siyaasiintu ay hadda diidaana uusan doorashada waqtigeeda kuqaban doonin, taasna ay mushkilad tahay.

Madaxdii hore iyo Dhinacyada kasoo horjeeda dastuurka ayuu sheegay in aysan indhahoodu arkeyn guulaha laga gaaray dagaalka Argagixisada, aysana ciidanka dhiirigalineyn, Horumarka deyncafinta, Cunaqabateynta la qaaday iyo dhammaan horumarka aysan arkin, oo kaliya siyaasadaas u muuqato.

About The Author