Muuwqaal: RW Xamse “dib loogu laaban maayo doorasho Dad-ban,….madax ay ahayd inay cafis…..”

22 Mars  2024 (Puntlandes.com) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in aan dib loogu laabaneyn doorasho Dad-ban iyo Teendhadii Afisyooni ee la aadayo doorasho qof iyo cod ah oo ay dadweynaha codeynayaan, Labo xisbi siyaasadeedna kasoo baxayaan.

RW Xamse ayaa sheegay in ay Xukuumadii Farmaajo ay gashay khaladaad waa weyn, ayna ahayd in xubnaheedii sare ay cafis weydiistaan bulshada Soomaaliyeed, ee aysan aheyn hadda in ay ka hadlaan arrimaha Siyaasadda & raadinta kuraas siyaasadeed.

Hadaljeedinta RW Soomaaliya ayaa kusoo beegantay xili galinkii hore ee maanta Madaxweyne Xassan Sheekh, masaajidka isaguna si ba’an uga weeraray madaxdii uga horeysay xukunka, oo ku sifeeyey kuwa aan guusha arkeynin oo aan qeyb ka aheyn dagaalada Argagixisada lagula jiro.

Hadda ayuu sheegay in la magacaabayo guddiga Doorasho oo nidaamka asxaabta badan ah.

Dastuurka Soomaaliya ayuu sheegay in uu ku jiro gacan aamin ah oo aan cabsi laga qabin, qof kastana in uusan dhakhtar noqon karin ayuu sheegay, oo baarlamaanka horyaalo.

About The Author