Sawirro: Shir looga hadlayo dastuur bedelka ay ka shaqaynayso Villa Somalia oo ka furmay Madaxtooyada Dowlada Puntland

23 Mars  2024 (Puntlandes.com) Madaxtooyada Dowlada Puntland ayaa waxaa maanta ka furmay Shir looga hadlayo marxladda uu dalku marayo, gaar ahaan dastuur bedelka uu ka shaqaynayso Villa Somalia.

Shirka ayaa waxa ka qeybgalay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, madax kale oo ka tirsan Dowladda Puntlan, Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Goleyaasha Dowladda Puntland.

Shirkaan ayaa la filayaa in laga soo saaro qoraal looga hadlayo xaaladda khatarta ah ee uu dalkeenu madaxa la galay.

About The Author