Muuqaal: Farmaajo “Madaxda iyo bulshada Puntland waxaan uga mahadcelinayaa soo dhaweynta wanaagsan , Bulshada SSC…”

24 Mars  2024 (Puntlandes.com) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed cabdulaahi Farmaajo uga mahadceliyey shacabka iyo dawladda Puntland soo dhawayntii loo sameeyey, sidoo kale waxa uu sheegay inuu booqan doono Laascaanood mar kale.

Farmaajo ayaa yiri “Madaxda iyo bulshada Puntland waxaan uga mahadcelinayaa soo dhaweynta wanaagsan ee ay nagu qaabiileen inta aan joognay Garowe, anigoo u rajaynaya nabad iyo barwaaqo.

Sidoo kale, Bulshada SSC oo aan qorshaynayey in aan soo booqdo, balse duruufo kala duwan u suurta geli weyday, waxaan la wadaagayaa in aan Ramadaanka kaddib siin doono wakhti ku habboon xaaladda iyo duruufaha deegaanka.”

About The Author