Cumar Cabdirashiid: meelmarinta mashruuca dastuurka wuxu Somalia uhorseedaya qalalaase siyaasadeed oo albaabada u furi doona faragelin Shisheeye

24 Mars  2024 (Puntlandes.com) Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo qoraal soo dhigay barta uu ku leeyahay X ayaa sheegay in ficilada Madaxda dawladda Soomaaliya ee ay ku doonayaan soo saarida Dastuur cusub oo aan heshiis lagu aheyn, ay albaabada u furayaan faragalinta beesha Caalamka.

Cumar ayaa sheegay in ay Madaxda dawladda Faderaalka og yihiin in cod Baarlamaan, uusan natiijada iyo xaaladda Soomaaliya waxba ka bedeleyn, xalna u keeneyn.

Ra’iisul wasaare Cumar ayaa sheegay in meelmarinta mashruuca dastuurka ay Soomaaliya u horseedayso qalalaase siyaasadeed oo albaabada u furi doona faragelin Shisheeye.

About The Author