Sawirro: Madaxweyne Deni oo furay shirka xogsiinta iyo howlgelinta Golaha xukuumadda cusub ee Dowladda Puntland

27 Mars 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa furay shirka xogsiinta iyo howlgelinta Golaha xukuumadda cusub ee Dowladda Puntland.

Kulanka oo socon doona hal maalin waxaa xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada lagula wadaagaya xogo muhim u ah shaqada Dowladnimo, hanaanka wadashaqeyn, Siyaasadda Dowladda, Habraacyada heer walbo iyo Guddiyada loo kala qeybiyay Golaha.

About The Author