Sawirro: Xasan Sheekh ayaa saxiixay 4 cutub ee dastuurka lagu muransan yahay

31 Mars  2024 (Puntlandes.com) Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu saxiixay 4ta cutub ee dastuurka lagu muransan yahay, si uu dhaqangal u noqdo loogana dhigo kan rasmiga ah ee maalmaha soo socda lagu dhaqmi doono.

Sidaan oo kale April 2021kii ayaa Farmaajo waxa uu  saxiixay Xeer ay mudo kororsi 2 sano ah Dawladdiisii ku kororsatay, kaas oo aakhirkii fashilmay.

Puntland, madaxdii hore iyo Siyaasiinta qaarkood ayaa kasoo horjeestay dastuurkaan cusub oo uu Xasan Sheekh ku bedelay kii heshiiska lagu ahaa.

About The Author