Sawirro-Muuqaal: Wasiir M. Faroole “Qofkii deegaan waxyeela wuxu noola mid yahay kooxaha Argaxisida ah, talaabo ayay ka qaadaysa dawladu”

01 Apr 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Mohamed Abdirahman Mohamad iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka booliska Dawladda Puntland S/guuto Caydiid Axmed Nuur ayaa waxay kormeer ku tageen mid kamida goobaha lagu iibiyo xaabada.

Wasiirka oo shir jaraa’id qabtay kormeerka kadib ayaa digiin u diray cid kaste oo ku hawlan xaalufinta Deegaanka, sida gubista dhuxusha, ka ganacsiga xaabada iyo jarista dhirta qoyan.

Wasiirka ayaa amar mu bixiyey in aan Xaabo ahaan loo qaadan karin xataa haddii Geedku qalalo is kiis uuna deegaanka nafaq u leeyahay.

Wasiirka ayaa faray laamaha amminga inay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan cid kaste oo deeganka waxa u dhimaysa.

About The Author