Sawirro: Wasiirka Qorsheynta Puntland oo shir la qaatay hay’adda Qaramada Midoobey ee ka hawlgala Puntland

02 Apr 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Mudane Daa’uud Maxamed Cumar oo ay weheliyaan Wasiir kuxigeenka Wasaradda, Mudane: Maxamed Ibaarahim Xasan Wasiir Dowlaha Wasaaradda Mudane Faarax Maxamuud Aw-cismaan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Eng- Cabdulqaadir Cabdidaahir Faarax ayaa maanta shir la qaatay hay’adda Qaramada Midoobey ee ka hawlgala Puntland.

Kulanka waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka wada-shaqeyneed ee Wasaaradda iyo hay’addaha Qaramada Midoobey, iyadoona lagu falaan-qeeyay fududeynta mashaariicda horumarineed iyo arrimaha samafaleed ee ay hay’addahu ka fuliyaan deegaanada iyo gobolada Puntland.

Wasiirka Wasaaradda oo hay’addaha la wadaagay qorshaha horumarineed iyo hiigsiga Wasaaradda Qorsheynta ayaa kula dardaarmey inay si hufan ugu adeegaan bulshada, iyadoo la dhawriyo hannaanka dawliga ah iyo siyaasadaha u deggan dawladda Puntland.

Madaxda Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah waxaa ka go’an ka dhabeynta hiigsiga iyo yoolka dawladnimada Puntland, iyadoo la raacayo qorshaha tayeynta hay’addaha dawladda ee Xukuumadda Madaxwayne Siciid Cabdullaahi Deni.

About The Author