DFS oo shaqadii ka cayrisey La-taliyihii mashruuca Midowga Yurub maalgeliyaan ee SJGAB, Samira Gaid kadib markii ay….

02 Apr 2024 (Puntlandes.com) Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa shaqadii ka caydhisey La-taliyihii mashruuca Midowga Yurub maalgeliyaan ee SJGAB, Samira Gaid, ka dib markii ay barta X [Twitter] kaga soo horjeesatay wax-ka-beddelka Dastuurka dalka.

Wasiirka Macdanta iyo Baatroolka ayaa sidoo kale si toosa maalin ka hor ugu hanjabay La-taliyaha la eryey (Sawirrada eeg).

Tallaabadan ay dowladdu qaaday ayaa loo arkaa mid keenayo walaac ku saabsan xorriyadda hadalka iyo suurtagalnimada caburinta aragtida shaqsiyadeed ee mashaariicda dadweynaha, iyadoo qaarkood ay tilmaamayaan inay tahay mid siyaasadeed.

Dastuurka maamulka Xasan Sheekh ee ka hadalkiisu sababay shaqo ka eryidda ayaa dammaanad qaadaya in qofka Soomaaliyeed xaq u leeyahay cabbiridda aragti kasta.

About The Author