Sawirro: Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo Kulan la qaatay Madax kasocotay Haayadda FAO

02 Apr 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka Xannaanada Xoolaha Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux ayaa Kulan la qaatay Madax kasocotay Haayadda FAO oo ay ugu horeeyaan Abshir Siciid Yusuf iyo Abdullahi Maxamed Xuseen,Kulanka waxaa kasoo qayb galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ,Wasiir Dowlaha Wasaaradda,Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha qorshaynta.

Waxaa laga wada-hadlay Mashaariicda ay Wasaaradda la Wadaan halka ay marayaan iyo waxa u haray si loo soo gabo gabeeyo Mashaariicdaas.

Waxaa la isla soo qaaday dhamaan Mashaariicda wadada kusoo jira ee ay Wasaaradda iyo Haayaddu ka wada hadli doonaan si Loogu Saleeyo qorshaha Wasaaradda iyo Baahiyaha ay diyaarisay.

About The Author