Sawirro-Muuqaal: Agaasimaha cusub ee NISA oo xilka la wareegey

09 Apr 2024 (Puntlandes.com) Agaasimaha cusub ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka, (NISA), Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa xilka kala wareegey Agaasimahii hore Mahad Salaad oo xilkaasi laga qaaday.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u kala wareegayey xilka labada Agaasime, isagoo uga mahadceliyey Agaasimahii hore una rajeeyey Agaasimahii cusub in uu ka soo dhalaalo waajibaadka adag ee horyaalla.

Dhanka kale Xasan Sheekh ayaa xarigga ka jaray dhismayaasha qaybta Sirdoonka iyo Akadeemiyadda Jilicoow ee Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo qaab casri ah loo dhisay.

About The Author