Muqdisho: Duulimaadyadii caalamiga oo maanta la baaqday garoonka Aaden Cadde

09 Apr 2024 (Puntlandes.com) Duulimaadyadii caalamiga ahaa ee maanta tagi lahaa Garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa la joojiyey, iyadoo aysan DFS wali faahfaahin bixin.

Saraakiisha shirkadaha qaarkood ayaa u sheegay in cabsi laga qabo weeraro Argagixiso awgeed ay u hakiyeen safarkooda maanta, ka dib digniintii Mareykanka xalay ka timi iyo weerarkii xeyndaabka Madaxtooyada ee xalay.

Diyaaradaha Turkiga, Imaaraatka & Qatar ayaa joojiyey maanta duulimaadkooda, iyadoo wali aysan kala cadeyn shirkada Itoobiya oo jadwalkeeda wali dhegan yahay, Qatar Airways ayaa tagtay Jabuuti oo ay halkaas uga gudbi jirtay Muqdisho, laakiin hadda sida kamuuqata macluumaadka dhagsan wey joojisay usii gudubka Soomaaliya.

About The Author