Muuqaal: Xasan Sheekh ”waxaan xilka ku wareejinayaa doorasha ay shacabku soo doorteen madaxweyanhooda”

09 Apr 2024 (Puntlandes.com) Madaxweyne Xassan Sheekh oo muuqaal ay Madaxtooyadiisu soo duubtay uga hadlay dastuurkii uu bedeshay iyo doorashada xilka uu ku wareejinayo, khilaafka siyaasadeed ee dalka kala fogeeyey, Itoobiya ayaa sheegay in doorashada xukunka looga qaadan karaa ay noqonayso qof iyo cod oo kaliya, taas oo kuqoran sida Madaxweynuhu sheegay dastuurkii uu bedeshay.

Xasan Sheekh ayaa hadalkiisaanu kusoo aadmayaa xili amnigii  magaalada Muqdisho uu faraha ka baxay, Safaaradihii ay xirmeen, Mareykankuna digniin soo saareen, sidaas oo kalena duulimaadyadii caalamiga ahaa ee tagayay Muqdisho loo baajiyey maanta halis amni oo laga baqay weeraro Argagixiso.

Sidaas oo kale wasiiradii, xildhibaanadii ugu badnaa ee DFS iyo ganacsato ayaa u safray magaalada Nairobi ee dalka Kenya arimo amni awgood, iyadoo xalay weeraro lagu qaaday madaxtooyada Soomaaliya.

About The Author