Wararkii u dambeeyey ee weerarkii Iran xalay ku qaaday Israa´iil

14 Apr 2024 (Puntlandes.com)Iran ayaa xalay waxay weerar aargudasho ah oo ay u isticmaashay Diyaaradaha iswada iyo Gantaalo ku qaaday dalka Israa’iil.

Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa dhankooda sheegay inay soo rideen inta badan gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha ee weerarka loo adeegsaday, ka hor intii aanay soo gaarin hawada Israa’iil.

Qaar ka mida gantaallada Iran ayaa ku dhacay gudaha Israa’iil, illaa haddana xog badan lagama hayo khasaaraha uu geystay weerarkani.

Iran ayaa hore u sheegtay inay qaadi doonto weerar aargudasho ah, ka dib weerarkii bishaan April 1-deedii lagu qaaday qunsuliyadda ay ku leedahay Dimishiq, halkaas oo lagu dilay 12 qof oo ay ku jiraan laba sarkaal oo sarsare oo ka tirsan ciidamada Iran.

Waxaa la sugayaa jawaabta ay Israa´iil ka bixin karto weearkii xalay iyadoo Maraykanku u caddeeyey Israa´iil inuusan qayb ka noqonayn weerar lagu qaado Iran uudsana doonayn in colaada gobolkaas sii fido.

About The Author