Sawirro: Ciidamada PMPF oo qabtay Maxaabiis, Agabyo, fashiliyeyna qorsheyaal hor leh oo lid ku ah nabadgelyada iyo xasiloonida

14 Apr 2024 (Puntlandes.com) Ciidamada PMPF, gaar ahaan cutubyada badda oo hawlgallo ka wada dhammaan xeebaha Puntland ayaa si adag u dardargeliyey sugidda Amniga xeebaha Badweynta Hindiya ee Puntland, halkaasi oo lagu qabtay Maxaabiis, Agabyo iyo fashilinta qorsheyaal hor leh oo lid ku ah nabadgelyada iyo xasiloonida.

Gulufyada ka dhanka ah Burcad Badeedda iyo Falalka kale ee sharciga baalmarsan ayay ciidamadu kaga hortageen qorsheyaal abaabulan oo garabsiinaayey burcadda, doonyo laga shakiyey oo gacanta lagu dhigay iyo kuwo xogtooda la hayo oo lagu raadjoogo. Ciidamadu waxa ay u dhiifoonyihiin inay si adag u waajahaan falkasta oo amniga wax u dhimaya, waxa ayna shacabkooda ugu baaqayaan inay ka fogaadaan ku lugyeelashadooda, taas bedelkeedana ay la shaqeeyaan ciidankooda.

About The Author