Sawirro: Dowladda Puntland iyo Beesha Caalamka oo shir ku yeeshay Nairobi

18 Apr 2024 (Puntlandes.com) Waxaa magaalada Nairobi ku qabsoomay Shir dhexmaray Dowladda Puntland iyo Beesha Caalamka oo heer Wasiir ah, Kaasi oo uu Shir-guddoomiyey Wasiirka Qorsheynta Dowladda Puntland Mudane Daa’uud Maxamed Cumar.

Kulanka oo ujeedkiisu ahaa in Dowladda Puntland toos ula macaamalayso Beesha Caalamka, ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta tooska ah, Waxaana Shirku kusoo dhammaaday Jawi wanaagsan.

Waxaa Kulanka ka qeybgalay Wasiirka Beeraha, Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Wasiirka Kalluumeysiga , Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo xubno ka mid ah Guddiga Ganacsiga Puntland.

About The Author