Sawirro: Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo hoygiisa ku booqday Islaan Bashiir kana Raaligeliyey….

30 Apr 2024 (Puntlandes.com) Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali (Jifo Jabsade) ayaa  hoygiisa ku booqday Islaanka Beesha Cumar Maxamuud Islaan Bashiir Islaan Cabdile Islaan faarax, isagoo ka Raaligeliyey waraaqdii ay soo saareen qaar ka mid ah Isimada Beesha 28ka april.

Gudoomiye Faysal oo ku weheliyey booqashada Taliyaha Qaybta booliska Gobolka Mudug ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri ” Islaan Bashiir Islaan Cabdille oo ah Islaanka Guud ee Cumar Maxamuud waxaan ka raali galiyay qoraalkii laab lakaca ahaa ee ay ku kaceen qaar kamid ah isimada jifo hoosaadyada Cumar Maxamuud”

Gudoomiyaha ayaa ku eedeeyey dawladda Federaalka inay gacmaha kula jirto gobolka Mudug ayna lug ku leedahay waraaqda soo baxday, isagoo uga digay inay faraha kala baxdo arimaha gobolka.

Hoos ka akhriso qoraalka Gudoomiyaha:

Waxaan galabta hoygiisa ku booqday Islaan Bashiir Islaan Cabdille waxaa igu weheliyay booqashada Taliyaha Qaybta booliska Gobolka Mudug.

Islaan Bashiir Islaan Cabdille oo ah Islaanka Guud ee Cumar Maxamuud waxaan ka raali galiyay qoraalkii laab lakaca ahaa ee ay ku kaceen qaar kamid ah isimada jifo hoosaadyada Cumar Maxamuud.

Talaabadaan oo ah duulaan siyaasadeed oo ay Dawalada Fadaraalka ee Soomaalya ka dambayso sida ka dhadhamaysa hadalada ay ku hadleen qaarkood, taasoo la doonayo in dadka reer Puntland lagu qaybiyo laguna wiiqo wadajirka iyo midnimada shacabka Puntland.

Sidaas darteen waxaan uga digayaa shacabka Gobolka Mudug inay ka digtoonadaan jilaafooyinka iyo hagardaamada ka imaanaysa DFS.

About The Author