Muuqaal: Garaad Jaamac Ciise “Islaan Bashiir cid xil ka qaadi kartaa ma jirto”

30 Apr 2024 (Puntlandes.com) Garaad Jaamac Ciise oo ka mid ah Isimada Beesha Cumar Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay inaysan jirin cid Islaanka Beesha Cumar Maxamuud Islaan Bashiir Islaan cabdile Islaan Faarax  xil ka qaadi karta,

Garaad oo ku sugan deegaanka Garacad ayaa yiri “Islaan Bashiir waa Guddoonka Isimada Beesha Cumar Maxamuud, cid xil ka qaadi kartaana ma jiro.”

Qaar ka mid ah Isimada Cumar Maxamuud ayaa soo saaray 28kii April Waraaq ay ku sheegeen inay gudoonkii ka qaadeen Islaanka Beesha Cumar Maxamuud Islaan Bashiir, taas oo ah mid aanay xeer iyo awood u layahn.

Shalay ayey Beesha Reer Khalaf ee Cumar Maxamuud waxay soo saartay Bayaan ay uga horjeesatay go´aankaas waxayna Raaligin buuda siiyeen Islaanka iyagoo gurigiisa ugu tagay.

Dhanka kale Garaadka fariin u diray Madaxwaynaha dawladda Puntland Siciid cabdulaahi Deni isagoo ku taageeray go’aanka uu ka qaatay arrimaha masiiriga ah ee Puntland.

About The Author