Alshabaab oo weerar ku qaaday Ceeldheer

08 June 2024 (Puntlandes.com) Wararka ka imanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ay saaka weerar culus ku qaaday degmada Ceeldheer.

Macluumaadka la helayo ayaa sheegaya in weerarkan oo ku bilowday qaraxyo uu socday mudo saacad ka badan, waxaana la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ciidamadda Gorgor iyo Ciidanka Khaalid bin Waliid ayaa lagu soo waramayaa iney si adag ugula dagalameen kooxda Kontoroolada laga soo galo magaalada, iyadoo dagaalka uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo fara badan.

Kooxda Alshabaab ayaa guulo ka sheegatay gulufkan, iyadoo ku faantay iney la wareegtay fariisimihii ciidanka dowladda.

Warar madaxbanaan oo aan helayno ayaa sheegaya in Saraakiisha ay Alshabaab dishay uu ka mid yahay Col. Cabdulle Maxamuud Cabdi iyo Col. Yoonis Xassan Sabriye.

Weerarka kooxdan ayaa kusoo beegmaya xili maalmahan uu deegaanka ka socday abaabul dagaal oo dowladda ay dooneysay iney ku qaado fariisimaha Shabaab ee gobolka Galgaduud.

About The Author