Sawirro: Somaliland oo shaaca ka qaadday in heshay diyaarado cusub, samaysana doonto Somaliland Airlines

08 June 2024 (Puntlandes.com) Somaliland ayaa shaaca ka qaadday in heshay diyaarado cusub, isla markaasma ay samaysan doonto dhawaan shirkad diyaaradeed oo la dhoho Somaliland Airlines.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Somaliland oo Kormeer ku Tegay Egal International Airport Oo La Keenay Diyaarado Cusub Oo Dalku Yeelan Doono.

Ugu horayn Madaxwweynaha Qaranku waxa uu kormeeray diyaarado cusub oo markii u horaysay ay yeelan doono Somaliland, kuwaas oo lagu tababari-doono farsamo-yaqaano iyo duuliyeyaal madani ah oo u soo baxa dalka, muddo laba sanno ahna qaadan doona casharada la xiriira cillad bixinta iyo duulimaadyada diyaaradaha oo ay Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland u diyaarisay, si loo helo muwaadiniin aqoon dheeraada u leh arrimaha duulimaadyada, kana soo qalinjebiya Dugsiga Barashada Duulimaadyada (Civil Aviation Institute) oo ay dhigi doonaan macalimiin ajaanib ah oo aqoon u leh xirfadaas, madaama Madaxweynahu uu qorshaynayo sidii looga miro dhalin lahaa hirgelinta iyo aas-aaska shirkada Diyaaraha ee Somaliland Airline mustaqbalka dhaw.”

About The Author