Muuqaal: MD Axmed Madoobe oo muujiyey inuu ka xarig furtay maamulka Xasan Sheekh

16 June  2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islama (Axmed Madoobe) oo salaada ciida carafo khudbad u jeediyey masuuliyiin iyo dadweyne kala duwan oo uu kula tukaday Xarunta Madaxtooyada ayaa muujiyey inuu ka xarig furtay maamulka Xasan Sheekh.

Axmed Madoobe oo khudbadiisu ahayd 14 daqiiqo ayaan hal marna soo qaadin dawladda Federaalka ee uu madaxweyne Xasan Sheekh, taas bedelkeeda wuxuu caddeeyey inaysan Soomaali heshiin doonayna iminka inay heshiiso, Beesha Caalamkuna aysanba doonayn inay Soomaali wax la qabatay laakiin ay lugoynayso.

Axmed Madoobe ayaa yiri “Soomaaliya caalamka aad arkaysaan cid walba masaaliix gaar ah ayey ka leedahay qaar baaba laga yaabaa inay Alshabaab rasaas u daadiyaan. Wadakaani wali inay dadku ku heshiiyaan baa asal ah, inagii baa heshiin la ee ma caalam kale ayaa ka shaqaynaya inaynu dawlad noqono….”

About The Author