Senotar Maryan Farax Kaahiye ”maanta waxaan joognaan xilligii aynu kala qeexi lahaydeen Xaqa iyo Xaq-darrada, xilligii aynu la xisaabtami lahayn MD Xasan Sheekh”

16 June  2024 (Puntlandes.com) Senotar Maryan Farax Kaahiye oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka JF Soomaaliya ayaa qoraal ay soo dhigtay barta ay X (Twitter) ku leedahay oo ay kula hadlayso Xildhibaanda waxay ku sheegtay in la gaaray waqtiqii ay Xildhibaanadu la xisaabtami lahaayeen madaxweynaha DFS Xasan Sheekh.

Senotar Maryan ayaa qoraalka ku tiri ”maanta waxaan joognaan xilligii aynu kala qeexi lahaydeen Xaqa iyo Xaq-darrada, xilligii aynu la xisaabtami lahayn MD Xasan Sheekh”

Hoos ka akhriso qoraalka Senotaradda:

DALKA MEEL KHATAR AH AYAA LOO WADAA.

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka JFS waxaan weydiinayaa sababta looga aamunsan yahay Safaaradda tira-beelka ah ee Madaxweyne Xasan Shiikh dalal badan isaga kala safraya? Maxay tahay sababta aynu uga aamusanahay oo loo waayey Xildhibaanno ku dhiirada in ay Madaxweyne Xasan miiska Isla-xisaabtanka ugu yeeraan (waa xaq dasturi ah) si wax looga weydiiyo dibed wareegiisa aan wax xog ah laga hayn? Safarrada dibedda ee Madaxweyne Xasan Shiikh waa kuwo aan taariikhda Soomaaliya soo marin, oo xitaa adduunka intiisa kale ayaa la yaaban!

Xildhibaanada ku dhaartay kitaabka Quraanka maanta taariikh ayaa ina dulsaaran, maanta waxaan joognaan xilligii aynu kala qeexi lahaydeen Xaqa iyo Xaq-darrada, xilligii aynu la xisaabtami lahayn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Maanta waxaan ognahay Dalku waxa uu ku sugan yahay Dagaallo sokeeye, cadowga Alshabaab, iyo shuruucda dalka oo laalan, sidaas oo ay tahayna Madaxweyne Xasan wuxuu maalmo gudahood u kala safaraya Norwey, Switzerland iyo Turkey!

Intaas waxaa dheer oo ummaddeena nabadda, xasiloonida iyo wada noolaansha jecel ka yaabiyey QABUURAHA LA FAAGAYO uusan Madaxweyne Xasan Shiikh ka hadlin!!

Xildhibaanada Labada Aqal waxaan u soo jeedinayaa in ay maanta dalka iyo dadka u istaagaan, kana hortagaan dhibka iyo hagardaamada Soomaaliya lala damacsan yahay!!

INTAASI WAA IGA DAR-DAARAN

About The Author