Sawirro: Sheekh Shariif oo madaxda dalka Sacuudigu kucasuumeen qado sharaf loo sameeyey mas’uuliyiinta sannadkan kasoo qeybgashay gudashada Xajka

17 June  2024 (Puntlandes.com) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo madaxda dalka Sacuudigu ku casuuntay qado sharaf loo sameeyey mas’uuliyiinta sannadkan kasoo qeybgashay gudashada Xajka ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu Facebook ku leeyahay ugu mahadceliyey Boqortooyadda Sacuudiga gaarb istaaga dowladnimada Soomaaliya iyo gargaarka bani’aadannimo.

Hoos ka akhriso qoraalka madaxweynihii hore:

Waxay mahad u sugnaatay Allaah (SWT), oo inoo suurta geliyey inaan markale sanadkaan kamid noqonno Muslimiintii soo gudatey waajibaadkii Xajka. Waxaan uga mahadnaqaayaa madaxda Boqortooyada Sacuudiga oo ay ugu horreeyaan Boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis iyo Dhaxal Sugaha Maxamed Bin Salmaan, oo adeegyo cusub oo u fududeynaayo sannadkan usoo kordhiyey martida Alle ee sannadkan gudanaysay acmaasha waajibaadka Xajka.

Waxaan si gaar ah, dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uga mahadcelinayaa casuumaada martiqaadka qado sharafka uu u sameeyay mas’uuliyiinta sannadkan kasoo qeybgashay gudashada Xajka oo aan kamid ahaa.

Waxaan bogaadinayaa kaalinta Boqortooyada Sacuudiga ee ku aaddan isgarab taagga wadamada Islaamka oo dhan gaar Ahaana dadaallada dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo gargaarka bani’aadannimo ee ay muddada dheer la garab-taagnaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed uga baryayaa inuu nabad iyo barwaaqo inooga dhigo.

Mahadsanidiin

About The Author