Sawirro: Ciidanka amniga Garowe oo oo gacanta ku dhigay 160 dhalo oo Maandootiyaha Qamriga ah, labo gaari iyo lix nin oo watay

17 June  2024 (Puntlandes.com) Ciidanka Hormarinta amniga caasimadda Garowe oo uu hoggaaminayo Taliyaha Qaybta Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Cali Marduuf iyo saraakiil ka tirsan ciidanka hormarinta amniga oo How-gal qaatay 12 saac qaaday ayaa gacanta ku dhigay 160 dhalo oo Maandootiyaha Qamriga ah,labo gaari iyo lix nin oo watay.

Taliyaha qaybta boliska G/nugaal ayaa warbaahinta iyo bulshada usheegay in cid kasta oo fal Denbiya gasha aysan marnaba gacanta booliska iyo sharciga ka bax san doonin.Waxaan cidkasta oo falalka amni daro ku hawlan ugu baqaynaa inay kawaan toobaaan,isagoo sheegay in sidan oo kale bulshada lahor keeni doono.

Taliyaha ayaa umahadceliyay shacabka caasimadda oo si buuxda ciidanka booliska ugala shaqeeya xoojinta iyo ka hortaga waxyaalaha bushada iyo deegaan dhibaatada ku ah.

About The Author