MAQAAL XIISO BADAN: Puntland weli ma qaangaarin:Q,1aad

67

Inkastoo Puntland ay tahay maamul 17 sano jirsaday. Inkastoo Puntland ay horey u ahaan jirtey dhul ay muddo dheer kasoo talinjireen saldanooyin dhaqan iyo maamul hoosaadyo. Inkastoo Puntland ay leedahay haykal dowladeed, ayna udhisan yihiin hey’adihii sharciga iyo laamihii nabadgelyadu. Inkastoo Puntland ay leedahay dastuur, astaan, calan iyo maalin la xuso. Inkastoo Puntland ay ka dhacday afar doorasha madaxweyne. Inkastoo Puntland ay kasoo gudubtey marxaladihii asaaska iyo heerarkii bilowga dhismaha maamul. Inkastoo Puntland ay kasoo samata baxday dhibaatooyin badan oo soo foodsaarey inteey dhisneyd. Inkastoo Puntland ay lafdhabar u tahay helidda midnimo soomaaliyeed ayna hormuud ka ahayd dhismaha dowladda federaalka ah. Inkastoo Puntland ay leedahay dhaqan dhaxalgal ah oo soojireen ah. Inkastoo Puntland ay tahay deegaan laga qadariyo duqeyda iyo duubabka dhaqanka.

 Intaas ka dib hadaan usoo laabto ujeedada cinwaankan, waxaa mudan in hoosta laga xarriiqo, iyadoo ay jiraan dhamaan arrimaha aan soo sheegney, hadana markii si dhab ah loo qiimeeyo dhaqan siyaasadeedka laga dhaxlay ama wacyiga sameysmey mudadii ay Puntland jirtey ama muuqaalka uu yeeshey nidaamka dowladeed iyo habmaamulka hirgalay ilaa hadana lugu dhaqmo, waxaa muuqaneysa ineysan isu dhigmin mudadii Puntland ay dhisneyd iyo miraha ay dhashay, ineysan isu dhigmin inta gu’ ay jirtey iyo garaadka ay yeelatay, ineysan isu dhigmin miisaankeyda iyo maskaxda ay abuurtay, ineysan isu dhigmin maalmaha ay soo jirtey iyo meesha joogto maanta.

Waxaa mudan inaan isla fiirinno sababaha Puntland ay horey ugu socon weydey ugana dhaqaaqi la’dahay qaabkii lugu dhisey 17 sano kahor, oo ay ugu gudbi weydey nidaam dowladeed dhab ah. Waxaa haboon inaan isdultaagno arrimahan soosocda oo aan filayo iney yihiin meelaha ugu daran ee dayacu ka jiro:

1:  Sarreynta sharciga, ku dhaqanka  iyo xushmeynta shuruucda qoran ee lugu heshiiyey.

2:  Kala soocnaanta hay’adaha dowladeed iyo kala lahaanshaha shaqooyinka gaar ahaan sadexda laamood ee ay dowlad kasta ka kooban tahay (sharcidejinta, Fulinta iyo garsoorka).

3: Hamiga hogaankii Puntland u kala danbeeyey lagasoo bilaabo maalintey dhalatay ilaa maanta oo ay jirto 17 sano.

Kala saaridda dhaqanka iyo siyaasada markey timaado socodsiinta shaqo dowladeed ama ka go’aan qaadashada arrimaha siyaasada.

5: Wada haysashada hubka dowlad iyo shacab.

6:  Ku dhaganaanta dhaxalkii hore iyo dhibsiga isbadelka.

Hadaba aan isla eegno 17 sano kadib Puntland iyo arrimahaas kor ku xusan:

1: Sarreynta sharciga, kudhaqanka iyo xushmeynta shuruucda qoran ee lugu heshiiyey.

Marka Puntland la joogo sharciga qoran waxaa ka sarreeya kana saameyn badan kan aan qorneyn kaasoo ah ab kasoo gaar afka la isugu laqqino, saas darteed markasta oo ay mushkilad siyaasadeed timaado maqli meysid sharciga halugu kala boxo ama wixii dastuurku ka qabo halugu xalliyo ee waxaa la yiraahdaa arrintaan oo kale markey dhacdo waxaa dhaqan inoo ahaa in qaabkaas lugu xalliyo ama hebel baa saas ku xalliyey hadda kahor, taaso macneheedu yahay in lugu kala baxayo isafgarad odoyeed ee aan lugu dhaqmeyn shuruuc dowladeed, siyaasi rer Puntland ah ayaa hadda ka hor yiri “marka dhabta loo hadlo Puntland kuma dhaqanto dastuur qoran ee waxay ku dhaqantaa xeer daarood qarniyo kahor la dejiyey laakiin aan qorneyn.” Wey adag tahay iney Puntland horey u dhaqaaqdo iyadoo aan lahelin sarreynta sharciga iyo iskula xisaabtankiisa, qofkastana sharcigu ka weyn yahay, sarreynta sharciguna ma aha muxaadaro la isaga akhriyo xafladaha ee waa dhaqan ka muuqda hogaanka iyo hey’adaha dowladeed, marar badan baan dhageystey Madaxweyne Gaas oo ku celcelinaya sarreynta sharciga iyo iney tahay asaaska dowladnimada waa hadal run ah, hase yeeshee in la isu sheego waxaa ka muhiimsan la is tuso, marka waxaan rajeynaya Madaxweynuhu inuu shaqadiisa naga tuso sarreynta sharciga. Madaxweyne  waa ilaaliyaha sharciga laakiin Madaxweynayaasha Puntland iyagaa looga daydaa sharcidarrada iyo qardajeexa.

Tusaaleyaal: C/llaahi Yuusuf markii xilligiisii dhamaaday 2001 wuu diidey inuu doorasho qabto wuxuuna iskudayey inuu xilli xoog ah kororsado taasoo ugu danbeyn dhibaatooyin waaweyn sababtay. Cadde Muuse oo lugu doortay dastuur 3 sano dhigaya wuxuu ku darsaday sanad farsameysan oo aan buuq abuurin. C/rahman Farole oo 4 sano la doortay wuxuu ku darsaday sanad xoog ah oo qeylo iyo isqabqabsi badan dhaliyey. Abdiweli Gaas oo 5 sano la doortayna lama oga inuu sanad kale xoogsan doona iyo inkale. Tani waa tuusaale cad oo

muujinaya ku tumashada sharciga ee ay dhaqanka ka dhigteen dhammaan madaxdii Puntland ukala danbeysey, hawshuna ay noqotay  sarreynta madaxweynaha ee aysan ahayn sarreynta sharciga. Soomaalidu waxay tiraahdaa madax meel ka sarreysa oo la salaaxo ma jirto, marka hadii madaxdii sharciga ku tumanayaan waxaan filayaa shacabka in laga gardaran yahay hadii laga codsado iney sharciga ilaaliya.

2: Kala soocnaanta hey’adaha dowladeed:

Waxaa jirta oraah Puntland dhexdeeda caan ka noqotay taasoo oroneysa Puntland waa madax kanool, oo loola jeedo dowladnnimada Puntland waa madaxweynaha kaliya isagaa awoodda oo dhan leh habeenba magaalada uu joogo ayaa shidan waana midda keentey iney dowladnimadu dhaafi weydo magaalada madaxweynuhu degen tahay, oraahdaas waa mid xaqiiqada ka turjumeysa, dhaqan siyaaasadeedka Puntland kasoo jirey intey dhisneyd wuxuu ahaa madaxweynaha iyo kooxda markaas ku wareegsan ayaa taladaa marooqsada, tixgelin badanna ma siiyaan hey’adaha kale ee dowladda, sida, garsoorka oo ah hey’ad dansan dayac badanna ka jiro kana maqan kaalinteeda cadaaladeed oo aan haysan madaxbanaani buuxda si hufanna aan u shaqeyn iyadoo ay meesha ka maqan tahay maxkamadii sare ee dastuuriga ahayd, iyo barlamaanka oo ah hey’ad naafo ah oo shaqadeedu u badan tahay ansixinta hindisayaasha xukuumadu keento iyagoo aan ku darin dabagal iyo la xisaabtan xukuumada iyo hubinta inaan la marin habaabin hawlaha shacabka loo hayo, taasoo ah shaqada ugu badan oo barlamaanka laga rabo balse dad badani qabaan inuu gabay uuna u egyahay madal ay xukuumadu ajendeyaasheeda marsiisato. Barlamaanka Puntland waa hey’adda doorata madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa isla markaasna ansixisa wasiirada lana horgeeyo miisaaniyadda sanadlahaa, hinse sharciyeedyada iyo dhammaan xeerarka kala duwan, saas darteed waa hey’ad saldhig iyo lafdhabar u ah hagidda iyo hagaajinta hanaanka dowladnimo ee Puntland, waxaase taas ka horeysa in marka hore barlamaanka laftiisa la hagaajiyo qaabkuu ku yimaado iyo qaabkuu ku shaqeeyo labadaba.

 

Lasoco qeybta 2aad.

W/Q: Abdihakim Diriye.

qoraa soomaaliyed, degen Khartoum Sudan.

Diiriye303@hotmail.com

About The Author