Gen Muxiyadiin & cabdiyare oo Garowe yimid! Mee doorkii reer Nugaaleed?

15 july 2015 (Puntlandes) Taliye xigeenkii hore ee Booliska Puntland Gen. Muxiyaddiin Axmed Muuse iyo TAgaasimihii Hore ee Ciidamada Sirdoonka Puntland (PIA) Cabdiyare ayaa magaalada Garowe soo gaarey.

23

Dadweyne ka soo jeeda Garowe ayaa labadan nin kusoo dhaweeyey tuulada 22aad, waxaana loo soo gudbiyey magaalada Garowe.

Mar ay warbaahinta u sharaxayeen sababta ay u yimaadeen Garowe maadaama ay Tuulada Qarxis ay ku haysteen Ciidan ay kala goosteen dawladda ayey waxay sheegeen inay soo ajiibeen codsi uga yimid isimmada Puntland, Raysal Wasaaraha DFS iyo Madaxweynaha Jubaland, codsigaas oo ku aaddanaa inay Garowe soo galaan, si loo sii wado dadaallada nabadeynta ee todobaadyadii lasoo dhaafay socdey.

23a

Labadii bilood ee dambaysay waxaa deegaanka Qarxis ku sugnaa ciidamo iyo Hub ay kala goosteen labadan nin dawladda Puntland iyagoo amardiido sameeyey kuna tilmaamay inay Hubka Beeshoodu leedahay.

Waxaa hubaal ah inay labadan nin ay wiiqeen dawladnimadii Puntland oo awalba aan iminka cago fiican ku taagnayn maadaama ay cadowga Puntland usoo jeesteen burburinta Puntland. Waxaa kaloo hubaal ah inay Cida tabidoonta Puntland ay noqon doonto Beesha labadan will oo aysan jirin cid qabanaysa

 Puntlandes.com

About The Author