Muuqaal: Garaad Jaamac Garaad Cali ”Tolku inuu wax isku darsado, oo Mudug & Khaatumo la israaciyo oo Dekedi Garacad unoqoto waanu soo dhawaynaynaa”

1a1b7

24 Sept 2024 (Puntlandes.com) Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka hadlay munaasabad soo dhawayn ah oo loogu sameeyey Isimadii SSC-khaatumo oo booqashada ku marayaey gobolka Mudug deegaanka Garacad ayaa sheegay inay doonayaan in gobolka Mudug la raaciyo maamulkiisa SSC-Khaatumo.

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa yiri ”Tolku inuu wax isku darsado, oo Mudug & Khaatumo la israaciyo oo Dekedi Garacad unoqoto waanu soo dhawaynaynaa”

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa ku tilmaamay labo mashruuc oo aad u waawayn oo Soomaaliya laga hirgeliyey Dhismaha Dekedda Garacafd iyo Xorayntii Goojacadde, wuxuuna yiri “Labadii sanno ee u danbeeyey waxa Soomaaliya ka hirgalay laba mashruuc oo kala ah Garacad iyo Goojacadde”

About The Author