MAQAAL: Puntland weli ma qaangaarin (Qeybtii 2aad)

Qeybtii koowaad waxaan kusoo faahfaahiney qaar ka mid ah qodobada aan u arkey iney yihiin meelaha dayaca ugu badani ka jiro oo u baahan in la isdultaago. Qeybtan labaadna waxaan kusoo qaadan doonaa qodobo kale oo kuwaas dabasocda:

3: Hamiga hogaankii Puntland ukala danbeeyey lagasoo bilaabo maalintey dhalatay ilaa maanta oo ay jirsatey 17 sano.

Puntland oo ay soo xukumeen labo odey oo ciidan ah lahaana khibrad dheer iyo labo aqoonyahan oo rayid ah kuna soo noolaadey wadamo horumaray, nasiib darro iyadoo afartaas madaxweyne ukala danbeeyeen kuma aysan guuleysan iney abuuraan maskax dowlanimo oo fadhida iyo nidaam sharciyad ku dhisan oo loo wada hogaansamo ama aragti iyo yool toosan oo la higsan karo, markaad eegto qaabka shaqo ee madaxweynaha hadda jooga ama kii ka horeeyey waxaad soo xasuusaneysa madaxweynihii Puntland ugu horeeyey ee la doortay 1998, taasu waxay cadeynasaa Puntland ineysan weli ka guurin xeradii lugu furay 1da Augusta 1998, waa marka laga hadlayo dhuuxa iyo macnaha dhabta ah ee ay dowlad leedahay ee aan la fiirineyn quruxda dhismayaasha ama muuqaalka madaxda iyo labiska ciidanka, waxaan soo xasuustay maahmaah ahayd ritiba ritiga ka horeeya buu saanqaadkiisa leeyahay, marka waxaan is iri malaha madaxdu wey isku daydaan oo midba kii ka horeeyey buu jilaa ee ma jirto aragti ay xanbaarsanyihiin oo ay doonayaan iney xaqiijiyaan. Waxyaabaha Puntland ay gaarka la tahay waxaa ka mid ah madaxweynaha ciidanka ah iyo kan rayidka ah waa isku siyaasad, kan qurbajoogta ah iyo kan daljoogta ahna waa isku maskax.

 Dal hogaamiye kamasoo haro baraare iyo burburba, gaar ahaan hogaamiyaha ugu horeeya ee talada u qabta meeshuu u dhaqaajiyo ayuu dalkaasi u midab ekaadaa, kala duwanaanshaha ka muuqda Puntland iyo Somaliland waa xagga hogaanka, Maxamed Ibraahiim Cigaal Somaliland wuxuu ka dhigey nidaam dowladeed hey’adihiisa la ixtiraamo lagana danbeeyo, shacabka hubka laga dhigey laakiin la siiyey awood uu codkiisa wax ku doorto, tixgelinta koowaadna ay leedahay dowladnimada iyo sharcigu, halka C/llaahi Yuusuf Axmed uu Puntland ka dhigey maamul madax kanool ah, is afgarad ku shaqeeya oo duqeydu talada goyso, dowladnimo aysan awood lahayn shacabkuna uusan wax dooran laakiin uu hubkiisa haysto, taasoo aan ilaa maanta xal loo helin.

Madaxdii Puntland soo martay kama aysan fakerin iney Puntland ka dhigaan nidaam dowladeed dhab ah kumana aysan dhiirran iney qaadaan tillaabooyin wax ku ool ah oo wax ka badeli kara muuqaal dhaqameedka la qabatimay ee Puntland ragaadiyey.

Madaxdii Puntland ukala danbeeysey:

  1. A) shacabka hubka kama aysan dhigin.
  2. B) doorasho shacab dalka ma gaarsiin.
  3. C) kaabayaal dhaqaale ma dhisin.
  4. D) nabadgelyada kama aysan adkaan.
  5. E) shaqo abuur ma sameeyn.
  6. F) midnimada goboladii Puntland lugu dhiseyn ma aysan ilaali.
  7. G) hufnaan iyo maamul wanaag ma keenin.

Taas waxay cadeynasaa ineysan xanbaarsaneyn aragti dheer oo ay doonayeen iney hirgeliyaan, waxaana jirta aragti dad badani qabaan taaso ah in madaxdii Puntland aysan ka go’neyn iney Puntland horumar gaarsiiyaan ee kaliya ay ku meel gaarayeen ayna xooga saareen labo arrimood oo kala ah:

  1. Tabcasho dhaqaale:tusale Cadde Muse iyo C/raxman Faroole.
  2. Raadin xukun Somaliya:Tusale C/llahi Yusuf iyo Abweli Gaas.

Puntland na waxay ka dhigteen dukaan buuxa oo laga adeegto markuu faaruqana laga tago. Maadaama hamiga hogaamiyayaasha Puntland uu labadaas arrimood u badnaa dan badan kama aysan yeelan si daacad ahna uguma aysan hagar bixin horumarinta Puntland. Islaanbaa laga sheegey ninka feerahaas leh gabadheyda kama dhaliwaayina hagrashaa ku jirta, hada afartaas odey oo kala danbeeyey Puntland waxba uma qaban waayine hagrashaa ku jirtey! Madaxweyne Cadde Muuse oo ka hadlayey 1dii August 2014, ayaa sheegey haddey Puntland saan sii ahaato iney maamulada cusub ee hadda la dhisayo na dhaafi doonaan. Waa nin weyn oo dareemey dayaca iyo dib udhaca Puntland ka jira. Waxaa jira hadal laga sheego inuu yiri Madaxweyne Gaas xilliguu musharaxa ahaa oo ahaa “Puntland waa gabar qurux badan oo gaari ah laakiin sanadwalba waxaa guursada aalkoleysta” Anigu ma hubo inuu yiri hadalkaas, hase yeeshee marka lagasoo tago Gaas inuu hadalkaas yiri iyo inkale lagana tago macnaha ereyga aalkoleyste, waxaa mudan in hoosta laga xarriiqo Puntland ineysan weli helin hogaamiye ka naxaya oo daacad u ah shacabkaan masaakiinta ah ee bixiya canshuur aan waxba loogu qaban ama daryeelaya shaqaalaha iyo ciidanka mushahar la’aanta shaqeynaya. Maadaama madaxda Puntland aysan dhidibada u aasin sharci lugu kala danbeeyo ee ay dhaqan geliyeen in markii wax dhacaanba odoyaal loo yeero oo xeerjajab lugu dhameeyo sidaasna looga gudbo iyagaa ayaa astaan u noqdey ineysan ku dhaqmin dastuurka lugu doorto oo markey u baahdaan ay badelaan maadaama aysan jirin hey’ad sharciga ilaalineysa ama shacab wax doortay oo la ixtiraamayo.

4: Kala saaridda dhaqanka iyo siyaasadda:

Waxaa jirta oraah caan baxday oo dhahaysa Isimada Puntland  waa marjica ugu danbeeya ee lugu kala boxo, intaas kuma ekee  dhibkasta oo Puntland ka dhacda inkastaba ha le ekaatee xataa dowladda dhexdeedana ha ahaatee waxaa loogu yeeraa oo xalliya duqeyda dhaqanka, muuqaalkani ma aha muuqaal dowladeed ee waa xeerkii soomaalidii hore oo markii dhibi dhacdo labada reer looga yeeri jirey odoyaal geed hoostiis fariista oo hawsha gala, Puntland hadii isqabqabsi yimaado waxaa ukala garqaada odoyaal, hadii ciidan gadoodo waxaa xalliya odoyaal, hadii askari dowladda u shaqeynaya isagoo hawlgal ku jira uu qof dilo waxaa hawshiisa xalliya oo magtiisa bixiya reerkiisa. Hadii xukunka la isku qabsado ama xilliga doorashada lugu murmo waxaa soodhexgala isimada, taas macneheedu waxaa weeye isimadu waxay isku hayaan shaqadii dastuurka, shaqadii booliska iyo shaqadii maxkamada sare, intaas waxaa u dheer shaqadoodii odeynimo ee dhaqanka. Waxaa kaloo xusid mudan in isimada Puntland ay weli haystaan awoodda soo xulista barlamaanka, maadaama Puntland ay weli ku dhaqanto nidaamkii lugu dhisey 1998, kaasoo isimada siinaya awoodda soo xulista xubnaha barlamaanka, saas darteed dad badan baa qaba in isimadu aysan raalli ka ahayn hirgelinta nidaamka axsaabta badan iyo doorashada shacabka oo iyaga ka xayuubineysa qaar ka mid ah awoodaha badan ee ay muddo dheer haysteen. Hadii Puntland aysan kala saarin dhaqanka iyo siyaasadda isla markaasna aan xad loo kala yeelin shaqada odoyaasha iyo tan dowlada, Puntland waxay iska ahaaneysa saldano dhaqan oo u muuqaal eg kuwii dhisnaa qarnigii 19aad, oo taladu odeyga gacanta ugu jirtey, weyna ka fogtahay dowladnimo, isimaduna waxay ku milmayaan hardanka siyaasada weyna luminayaan karaamadii dhaqanka. Hadii ninka booliska ah uu aaminsan yahay markuu hawlgal qof ku dilo in reerkiisa loo raacanayo askarigaas ma dareemayo inuu dowlad u dhimanayo daacadna uma noqon karo sababtoo ah dowladda noocaas ah ma istaahisho in loo dhinto wuxuuna daacad u noqonaya reerkiisa, hadii markuu xuquuqdiisa waayo uu odeygiisa u cabanayo ee aysan jirin jiha kale oo dowladeed oo  xuquuqdiisa u raadineysa, askerigaas kuma qancayo inuu dowlad u shaqeynayo ee wuxuu isu arkayaa inuu reerkiisa  meesha u joogo. Waa sax in la sharfo isimada ayna talo ku yeeshaan wadanka laakiin marka dowlad la sharraxayo odeyga waxaa ka muhiimsan booliska iyo garsooraha sababtoo ah iyagaa masuul ka ah dhaqangelinta sharciga iyo kala danbeynta mudanna iney helaan saanad ku filan iyo madaxbanaani. Puntland hadey rabto iney isimadu kaalin ku yeeshaan siyaasadda waxaa haboon in loo sameeyo golaha odoyaasha ama guurtida si ay u noqdaan hey’ad sharciyeysan oo laamaha dowladda ka tirsan, shaqadooduna u cadaato.

Lasoco qeybta 3aad.

W/Q  Abdihakim Diriye, qoraa soomaaliyed, degen Khartoum, Sudan.

diiriye303@hotmail.com

About The Author