Caleemosaarka Cadaado iyo Warbaahinta Dowladda XAMAR!!

23 july 2015 (Puntlandes) Xaflad lagu caleemasaarayo maamul aan Sharciga Waafaqsanayn ee ay Dawladda XAMAR ku dhoodhoobtay Degmada Cadaado ayaa maanta ka dhacaysa Cadaado. Cabdi Kariim Xuseen Guuleed ayey Dawladda XAMAR ugu cimaamadaysaa madaxa maammulkaas. Dawladda XAMAR ujeedada ay ka leedahay maamulkaas waa Dagaal lagu qaado Puntland.

170

Dawladda XAMAR ayaa aad ugu mashquulsan BUUNBUUNINTA iyo qabanqaabada Xafladda lagu caleema saarayo Cabdi Kariin iyadoo adeegsanaysa TV ga iyo Radioga ay ahayd inay shacabka Soomaaliyeed u dhaxeeyaan.

24a

TV ga iyo Radio Dawladda XAMAR ayaa aad u baahiya barnaamijyo XAYEYSIIN iyo Ogaysiisyo ah iyadoo lagu kicinayo dadka qaarkiis si looga fushado danahii markii horeba laga lahaa oo ah ABUURID COLAAD ka holacda Puntland iyo dadkaas.

 

About The Author