Madaxweyne Fartaag “Baardheere waxaa qabtay Jubbaland iyo Amisom”

26e

22 july 2015 (Puntlandes) Madaxweyne kuxigeenka Jubaland Fartaag oo wax laga weydiiyay cidda ka qeybqaadanaysa dib u xoreynta ka socota guud ahaan Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo ayaa sheegay in ay iska kaashanayaan Jubbaland iyo Amisom,

“Dib u xoreynta dalka oo dhan bay ka socotaa, hase ahaatee howgaladan hadda ka socda Koonfur galbeed iyo Jubbaland, waxaa iska kaashanaya labada maamul-goboleed (Jubbaland iyo Koonfur Galbeed), iyo AMISOM, Baardheerana waxaa qabtay Ciidamada Jubbaland” ayuu yiri madaxweyne Fartaag.

Hadalka fartaag ayaa ku soo beegmaya, xilli maanta gelinkii hore ay magaalada Baardheere la wareegeen Ciidamada Daraawiishta Jubbaland, oo garabsanaya kuwa AMISOM ee Kenya.

Dhanka kale,hadalka Madaxweyne Fartaag waxuu meesha ka saaray, amaba beeniyay, hadal maanta laga siidaayay raadiyaha dowladda dawladda Xamar, oo uu yiri abaanduulaha ciidamada dowladdaas kaasoo ahaa in ciidamada DFS iyo AMISOM qabanayaan Baardheere.

Xigasho: Dhanaanmedia

About The Author