Sawirro: Madaxweynaha Somaliland oo booqashadiisa ugu horaysay oo rasmi ah ugu baxay dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta

26 Jan 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo wafti balaaran oo uu hogaaminaayo ayaa maanta booqashadiisii ugu horaysay oo rasmi ah ugu baxay dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta.
Dawlada Imaraadka Carabta ayaa Madaxweynaha u fidisay marti qaad rasmi sidoo kale-na u soo dirtay diyaarad khaas ah oo ah Royal Jet.
Safarka Madaxweynaha ayaa noqonaya safarkii ugu horeeyey ee uu dalka dibadiisa ugu baxo intii uu xil la wareegay.
Madaxweynaha waxaa waftigiisa ku wehelinaayey Wasiirka Arimaha dibada, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Maaliyada iyo Horumarinta dhaqaalaha, Taliyaha Sirdoonka, LaTaliyaha sare ee Madaxweynaha ee Arimaha Dhaqaalaha, Madaxa xafiiska madaxweynaha iyo Hawl wadeeno kale.
Sidoo kale safarka madaxweynaha waxaa ku wehelinaayey marwada koowaad Marwo Farduus Maxamed Rooble.
Madaxweynaha iyo waftigiisu waxay ku sugnaan doonan dalka Imaaraadka carabta muddo saddex cisho ah iyagoo kulamo kala duwan la yeelan doona madaxda dawladda Imaraadka Carabka kalana hadli doonan arrimo mudnaan u leh labada dawladood iyo labada shacab.
Muddada uu Madaxweynuhu booqashada rasmiga ah ku joogo dalka Imaraadka Carabta waxuu kulan la yeelan doona jaaliyada reer Somaliland ee ku sugan dalka Imaraadka Carabta.










