Lataliyaha MD Xasan Sheekh oo 72 saac gudahood marna Cambaareeyay marna Taageeray duqeymihii maalmo kala duwan lala beegsaday Kooxda Daacish

02 Feb 2025 (Puntlandes.com) Wasiirkii hore Amniga Puntland Cabdisamad Gallan laakiin iminka ah Lataliyaha Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa 72 saac gudahood marna cambaareeyay marna taageeray duqeymihii maalmo kala duwan lala beegsaday Argagixisada Daacish ee ciidamada dowlada Puntland ka wadaan buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari Hawlgal ay ku Ciribtirayaan.

Hadalada is khilaafsan oo kasoo baxay Lataliye Gallan ayaa waxay cadeymo u noqon karaan mowqifka markii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xertiisu ay ka taagnaayeen hawlgalka HILAAC ee dowlada Puntland ee ay Argagixisada uga sifaynayso Buurahaas.

Sidoo kale waxaa u muuqatay Dadweynaha Soomaaliyeed tan iyo intii uu bilowday hawlgalkaas inay hadalo taageero u noqon karay Kooxda Daacish ay marar kala duwan kasoo baxayeen xubno xilal ka haya maamulka xasan Sheekh iyo warbaahinta ku hadasha Afka maamulkiisa.

Labada hadal ee La taliyaha Madaxweyne Xasan Sheekh waxay kaloo cadeyn u noqon karaan duqeynta cirka oo lala beegsaday kooxda Daacish ee buuraha Calmiskaad inay socotay maalmo kala duwan oo aan ahayn hal goor, taasoo u bayaaminaysa Dad badan sheegashooyinka been abuurka iyo qollada libinta ku raadinaysa duqeyntii u dambeysay ee shalay.

About The Author