Ciidamada Difaaca Puntland oo jab xooggan ugu geystay argagixisada Daacish

11 Feb 2025 (Puntlandes.com) Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ayaa jab xooggan ugu geystay argagixisada Daacish, deegaanka Haraaryo ee Togga Jeceel, sida uu xaqiijiyay Taliska Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.

“Ciidanku waxay markale dhegta dhiiga u dareen, Argagixisada Daacish- deegaanka Haraaryo, Toga-Jaceel ee buuralayda

Meydadka argagixisada Daacish ayaa daadsan Togga Jeceel, iyadoo ciidamada geesiyaasha ah ee Dowladda Puntland ay jab xooggan gaarsiiyeen argagixisada.

Ciidamada ayaa hadda wada sifeynta haraadiga argagixisada, iyagoo saacadaha soo socda soo afmeeri doona.

About The Author