Maalintii 3aad oo uu xiran yahay Suuqa Bakaaraha oo ganacsatada oo ka cabanaya lacago toban nooc ah

10 Feb 2025 (Puntlandes.com) Maalintii 3aad oo uu xiran yahay suuqa Bakaaraha oo ganacsatada oo ka cabanaya lacago toban nooc ah oo lagu sheegay canshuur, adeegyo dowladeed, hay’ado Amni, wasaarado, iyo gobolka oo is barbar yaacaya.
Maamulka Xasan Sheekh ayaa awooddii dowladda u adeegsanaya hanjabaad, xirida xarumaha ganacsiga iyo baacsiga ganacsatada, shalay haddii danyarta la barakicinayey, maanta waa Ganacsatadii Suuqa Bakaaraha.


