Muuqaal: RW Rooble “Wixii aan shalay walaalkay Farmaajo kadiiday ayaan maanta ka diidanahay MD Xasan Sheekh, dalkan wax la wada leeyahay hala helo, aniga kama shaqaysee…”

23 Feb 2025 (Puntlandes.com) Ra´iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caddeeyey in maamulka Xasan Sheekh ka hor istaagay safar uu wafdi uu hogaaminayo ku aadi lahaa dalka Koonfur Afirika, isagoo sheegay inay arintaas u baaqdeen qayb ka mid ah wadifigiisa.
Raable ayaa dulmaray sababta ay uu ula dirirayo Xasan Shekkh isagoo sheegay inuu diidan yahay wixii uu horay uga diiday Farmaajo wuxuuna yiri “Waxa aan Farmaajo ka diiday ayaan u sheegayaa Xasan, dalkan wax la wada leeyahay hala helo, aniga kama shaqaysee…”
Rooble ayaa yiri “wixii shalay walaalkey Farmaajo aan kor ugu sheegay hoosna ugu sheegay ayaan rabaa inaan maantana walaalkey Madaxaweyne Xasan Sheekh kor iyo hoos ugu sheego taas oo ah in wax loo dhan yahay la wada helo,Waxaan shalay anigu diiday yaan dalka lagu celin”
Raysal wasaarihii hore oo u duulxulaya xasan Sheekh ayaa yiri “Nin ciid kugu rogay calooshiisu ku tusay; markaan dalka imaado ayaan la xisaabtami kuwa dadka u dowladaynaya ee na hor-istaagay.”