Ciidamada geesiyaasha Puntland oo gudaha u galay Dhadaar

25 Feb 2025 (Puntlandes.com) Ciidamada geesiyaasha ah ee Dowladda Puntland ayaa gudaha u galay Dhadaar, iyagoo gacanta ku dhigay Rasaas, daawooyin, agab caafimaad iyo cunto qalalan oo ay ka carareen argagixisada Daacish.

Sidoo kale, ciidamada Difaaca Puntland ayaa howlgallo ka sameeyay inta u dhexeysa Dhadaar iyo Shebaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.

“Ciidanku waxay gudaha u galeen Dhadaar, waxa la qabtay Rasaas kooban, Daawooyin, Agab Caafimaad iyo Cunto qalalan oo ay ka carareen Argagixisada Daacish, waxay hawlgalo amni ka sameeyeen inta u dhexeysa Dhaadaar iyo Sheebaab.”

About The Author