Duqeyn lagu sameeyey Saldhiga ugu weyn ee Argagixisada Daaciish ku lahayd Buuraleyda Calmiskaad

default
25 Feb 2025 (Puntlandes.com) Duqeyn ayaa goor dhaw lagu sameeyey Saldhiga ugu weyn ee Argagixisada Daaciish ku lahayd Buuraleyda Calmiskaad, kaas oo ah deegaanka Miraale.
Duqaynta ayaa waxaana fuliyey dawladda Imaaraatka Carabta oo ah saaxiibka Puntland ee ku taageeray Argagixiso sifenta Calmiskaad.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in 20 kamid ahaa Argagixisada duqeyntan lagu dilay, 24kii saac lasoo dhaafay Dhadaar & Miiraale ayay ka firxanayeen argagixisada, iyagoo u diga rogtay dhanka Ceelka WANGABLE oo ka tirsan degmada Qandala una jira masaafo dhan 25KM.
Wajiga labaad ee Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Calmiskaat ayaa kusii siqaya dhammaad, iyadoo kan sadexaad lagali doono oo sifeynta Argagixisada.