Sawirro: Ciidanka Difaaca Puntland oo maanta hawlgal lagu sifeynayo Argagixisada Daacish ka fuliyeen, deegaannada Kalriyaad, Saax & Madaah ee Gobolka Bari

25 Feb 2025 (Puntlandes.com) Ciidanka Difaaca Puntland ayaa waxay maanta hawlgal lagu sifeynayo Argagixisada Daacish ka fuliyeen, deegaannada Kalriyaad, Saax iyo Madaah ee Gobolka Bari oo ay ku yaallaan saddex Ceel-Biyood oo muhim u ah deegaannadaasi.

Ciidanku wuxuu burburiyey talisyo yaryar oo ay ku dhuumanayeen firxadka Argagixisada Daacish, waxaa la qabtay Dameero ay raranayeen Argagixisadu iyo Agab kale oo ay lahaayeen.

Ciidanka geesiyaasha ah ee Puntland, waxaa ka go’an in ay Argagixisada Daacish ka ciribtiraan Puntland, waxaanuna uga mahadcelinaynaa shacabkeenna Mii’ iyo Magaalo sida ay uga qeyb qaadanayaan Hawlgalka socda .

About The Author