Ciidamada geesiyaasha Dowladda Puntland oo howlgallo culus ka wada deegaanka Dul Darayle

26 Feb 2025 (Puntlandes.com) Ciidamada geesiyaasha ah ee Dowladda Puntland oo maanta howlgallo culus ka wada deegaanka Dul Darayle ayaa madaafiicda culus ku duqeeyay aag ay ku sugnaayeen xubno katirsan firxadka argagixisada Daacish, sida uu xaqiijiyay Taliska Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.

“Ciidanku waxay hawlgal ka wadaan dusha Sarre ee deegaanka Dul iyo Darayle, halkaasi oo ay hubka culus ku duqeeyeen oo ku kala eryeen firxadka Argagixisada Daacish.”

Howlgalka ciribtirka argagixisada Daacish ayaa ku sii siqaya aagag horleh, iyadoo ciidamadu jihooyin kala duwan uga baxeen goobo ay tageen firxadka argagixisada, oo hadda doonaya gabaad, kaddib markii si rasmi ay ciidamadu u qabsadeen deegaanno u ahaa Talisyo muhiim ah

About The Author