Ciidamada Difaaca Puntland oo gudaha u galay deegaanka Dasaan ee buuraleyda Calmiskaad

26 Feb 2025 (Puntlandes.com) Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ayaa gudaha u galay deegaanka Dasaan ee buuraleyda Cal-miskaad, oo kamid ah Talisyada ugu waa weyn argagixisada Daacish ku lahayd Calmiskaad.
Dasaan oo hoostaga degmada Qandala ayaa ah deegaanka uu ku dhammaado Togga Jeceel, iyadoo hadda ciidamadu ka wadaan howlgallo xaqiijin ah buuraleyda ku hareeraysan.
Magaalada Dasaan ayaa waxay soo af-jaraysaa wajiga labaad ee hawlgalka Ciribrirka Argagixisada kaas oo Tuurmasaale ka soo bilowday 24 janaayo 2025.