RW Xamse oo isku-shaan-dhayn kooban ku sameeyey wasiirada qaar, faallo

27 April 2025 (Puntlandes.com) Isku shaandhayn muddo dheer la hadalhayay ayaa waxay ku soo dhammaatay saddex xubnood oo isla xukuumadda ku jiray oo xilalka loo kala beddelay. Arrinta yaabka leh waxay tahay in saddexda xubnoodba ay isla xukuuumaddan ka soo qabteen illaa saddex wasaaradood oo ay isku shaandheyno kala duwan ku soo mareen.

1- Axmed Macalin Fiqi oo ahaa wasiirka arrimaha dibada ayaa noqday Wasiirka gaashaandhiga.
2- Wasiirkii gaashaandhiga oo maalmo kooban hayay Jagadan ayaa lageeyey RW Kuxigeenka 2-aad.
3- Halka RW kuxigeenkii 2aadna laga dhigay wasiirka arrimaha dibada.

Fiqi Wasaaraddii sadexaad oo kuwa ugu muhiimsan ah ayuu isaga kala gudbayaa sadex sano gudahood, halka Jabriil ay u tahay laba wasaaradood iyo Ra’iisul Wasaare Kuxigeen inuu isku maro. Muddo bil ah kama soo wareegan markii sidan oo kale xilka loogu beddelay.

Cabdisalam Dhaay isagana laba wasaaradood iyo Ra’iisul Wasaare Kuxigeen ayuu isku maray isna.

Arrintan laba fasir ayay bixinaysaa:

B. In isku shaandheynadu ay yihiin kuwa ku salaysan jahwareer siyaasadeed

T. In aanay madaxda sare heysanin dookh ka baxsan inta xukuumadda ku jirta, si kastoo oo kuwaas waxqabadkooda loo saluugana, halkii iyaga la beddeli lahaa boosaaska uun la isugu beddelayo— taas oo aanan meesha ka saaraan baahida joogtada ah ee loo qabo isbeddelka

About The Author