Gudoomiye Aadan Madoobe oo u dhoofay dalka Algeria xili uu Buuq iyo Gacan qaad uu ka jiro Kulamada Golaha Shabaka

01 May 2025 (Puntlandes.com) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJF Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa u ambabaxay Magaaladda Algiers ee caasimadda wadanka Algeria, Xili uu Buuq iyo Gacan qaad uu ka jiro Kulamada Golaha Shabaka.

Guddoomiyaha ayaa halkaas uga qeyb geli doono shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta oo maalmaha soo socda furmi doona, iyadoo sanadkaan looga hadli doonaa arrimaha wadamada Carabta gaar ahaan xaaladda wadanka Falastiin.

Aadan Madoobe ayaa xalay 20 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ka mamnuucay ka qeybgalka fadhiyada Golaha, isagoo doonaya inuu wiiqo Xildhibaanada mucaaradka ku ah madaxweyne xasan Sheekh.

About The Author