Sawirro: Xisbiga Himilo Qaran “wuxuu xisbigu ugu yeerayaa madaxda sarre ee DFS in la joogo waqtigii si dhab loogu wajahi lahaa ka jawaabista xasaradaha siyaasadeed”

02 May 2025 (Puntlandes.com) Xisbiga Himilo Qaran oo Warsaxaafadeed soo saaray ayaa si adag u cambaareeyey gefkii shaqsiga ahaa ee uu guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Aadan Madoobe kula kacay Xildhibaan Maxamed Cali Cumar iyo mudaneyaal kale oo tirsan golaha.
Xisbiga ayaaa wuxuu Xildhibaan Caana-nuug ka maslaxay hadalkii ladhibsaday ee Gudoomiyaha Baarlamaanka uu kayiri Aqalka Baarlamaanka dhexdiisa.
Hoos ka ahkriso warxasaaxadeedka:
WAR-SAXAAFADEED
Xisbiga Himilo Qaran wuxuu bogaadinayaa xubnaha golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed ee muujiyay garab-istaaga Mudane Xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caana-nuug, kadib markii guddoomiyaha golaha shacabka uu kula kacay fal ka baxsan anshaxaha suubban iyo xuquuqul insaanka.
Farriinta iyo dareen wadaaga xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waxay dhiirra-gelineysaa karaamada iyo sida ay lama taabtaan u tahay illaalinta xuquuqda dadka baahiyaha gaarka qaba sida ku cad Shareecada Islaamka, Dastuurka, Shuruucda kale ee dalkeenna iyo Xeerarka Caalamiga ah.
Xibsiga Himilo Qaran wuxuu sidoo kale cambaaraynayaa gefkii shaqsiga ahaa ee uu guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur Madoobe kula kacay Xildhibaan Maxamed Cali Cumar iyo mudaneyaal kale oo tirsan golaha. Waxaana wax lala yaaba ahayd in hoggaanka golaha intii uu raaligalin iyo garawshiyo kabixi lahaa gafkaasi, uu ku sii dhiirado tallaabooyin kale kuwaas oo sii dhaawacaya Midnimada Golaha, islamarkaana dab ku sii shidaya xasillooni-darrida siyaasadeed.
Ugu dambayn, Xisbiga Himilo Qaran isagoo aad uga xun falalkii foosha xumaa ee ka dhacay xarunta golaha shacabka ee Villa-Hargaysa wuxuu xisbigu ugu yeerayaa madaxda sarre ee dowladda Federaalka ah in la joogo waqtigii si dhab loogu wajahi lahaa ka jawaabista xasaradaha siyaasadeed ee ka taaggan dalka si loo helo MIDNIMO QARAN, dalkana loogu jiheeyo heshiis siyaasadeed oo loo dhanyahay.




