Gud hay´adda Wadooyinka Puntland ”waxaa ceeb iyo mas’uuliyad darro ah in xildhibaan heer Federaal ah, gaar ahaan mid kasoo jeeda Gobolka Mudug, uu u adeegsado mashruucan xeelad siyaasadeed …”

17 May 2025 (Puntlandes.com) Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Puntland Dr Cabdifitaax Sugule ayaa qoraal uga jawaabay Xildhibaan Cismaan Cali Yuusuf oo ka tirsan Golaha Shacabka ee BFS qoraal uu ku weerarayey dawladda Puntland uuna ku sheegay inay 24 malyan oo doollar u hayaan dhismaha wadada isku xirta Xarfo iyo Gaalkacyo laakiin ay diiday dawladda Puntland.

Guddoomiyaha ayaa caddeeyey inuusan warkaasi ahayn mid sax ah ma jira ayna dawladda Puntland tahay mida awood dastuureed u haysata dhismaha wadooyinkeeda.

Hoos ka akhriso qoraalka Guddoomiyaha:

Waa nasiib darro in xildhibaan heer Federaal ah oo horey uga soo shaqeeyay Puntland heer Agaasime Guud uu weli ku jahwareersan yahay kala soocidda awoodaha Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah, arrin si cad loogu qeexay Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya iyo kan Puntland.

Mashruuca dhismaha iyo dayactirka waddada muhiimka ah ee Xarfo–Gaalkacyo waa mid si buuxda ugu jira awoodaha Dowladda Puntland, waayo waa waddo gudaha ah oo xiriirisa degmooyin ka tirsan Puntland. Waxaa nasiib darro ah in arrin dastuuri ah oo sidaas u cad la siyaasadeeyo aanna latixgelin xaqa Dowladda Puntland u leedahay horumarinta kaabeyaasheeda dhaqaalaha.

Si waafaqsan Qodobka 54aad ee Dastuurka KMG ah ee Federaalka Soomaaliya, waxaa si cad loogu qeexay kala qaybsiga awoodaha:

“Awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale waxaa ka wada xaajoon doona Xukuumadda Federaalka iyo Dawladaha ka mid noqonaya Dawladda Federaalka Soomaaliya marka laga reebo:

A) Arrimaha Dibadda;

B)Difaaca Qaranka;

C) Jinsiyadda iyo Socdaalka;

D) Siyaasadda Lacagta”

Kuwaas oo si gaar ah iyo toos ah loogu xilsaaray Dowladda Federaalka Soomaaliya

Marka laga reebo afartaas arrimood, dhammaan awoodaha kale – sida kaabeyaasha dhaqaalaha, horumarinta waddooyinka gudaha, adeegyada bulshada iyo mashaariicda horumarineed – waxaa loo aqoonsaday awood wadaag ay u baahan tahay wadahadal, is-afgarad iyo tixgelin dawladeed oo u dhaxaysa Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Sidaas darteed, waddada Xarfo–Gaalkacyo, waa arrin ay leedahay Puntland, fulinteedana ay xaq buuxa u leedahay iyadoo la tixgelinayo:

– Inaysan ku jirin afarta awoodood ee gaarka u ah Dowladda Federaalka;

– In Puntland ay tahay hay’ad fulineed u diyaarsan maamulka, qorsheynta, iyo hirgelinta mashruuca;

– In maalgelinta mashruucan (oo uu bixiyo Bangiga Horumarinta Afrika – AfDB) uu noqon karo mid soo maro Dowladda Federaalka, balse hirgelintiisa loo daayo Dowladda Puntland, si waafaqsan xeerarka iyo mabaadi’da hay’adda maalgelinaysa.

Mas’uuliyadda Xildhibaanada Federaalka ee kasoo jeeda Mudug;

Waxaa ceeb iyo mas’uuliyad darro ah in xildhibaan heer Federaal ah, gaar ahaan mid kasoo jeeda Gobolka Mudug, uu u adeegsado mashruucan xeelad siyaasadeed halkii uu ka noqon lahaa cod difaaca xuquuqda Dastuuriga ah ee Puntland. Waxa ay muujinaysaa in xildhibaanno badan aysan garanayn kaalintooda sharciyeed ee la xiriirta ilaalinta danaha dadka ay metelaan.

Haddii mashruucaasi laleexiyo, la siyaasadeyo ama dib u dhac ku yimaado sababo la xiriira tartan siyaasadeed oo aan sharciyeysneyn, waxaa kaliya masuuliyadeeda leh kuwa ku fashilmay difaaca danaha shacabka iyo ilaalinta nidaamka federaalka ah.

Abdifitah Sugule

About The Author